Dilalka Iyo Ugaarsiga Lagu Hayo Beesha Mareexaan Ee Ka Socda Puntland -Kilinka 5aad Iyo Garissa Maxaad Kala Socotaan?

0

dhiigXog ballaaran oo aan ka heleyno dadkii lagu Toogtey Puntland ayaa 13kii ruux labo kamid ah ayaa beesha Sade ahaa waxaana la cadeeyey in mid kamid ah uu ahaa aqoonyahan Daganaa mudo badan magaalada Boosaaso isla markaana ahaa ganacsade aad loo yaqaan waxaana udaganaa xaas iyo caruur inkastoo xaaskiisu ay aheyd reer Puntland, kadib markii ladhacay hantidiisa ayaa la abuurey qorshe lagu qaarijyo waxaana dusha laga saarey in uu yahay Alshabaab waana mida maantey sababtey in la toogto.

Ninka  kale ayaa asagana ahaa nin dhalin yaro oo wax kabarta jamaacad kamid ah kuwa puntland sababaha loo soo xirey oo aheyd wax barashada oo uu aad ugu fiicnaa taas ayaa keentey in lagu soo oogo dacwad arga-gixis nimo waxa uuna muteystey in maantey halkaas lagu toogto.

Waxaa kale oo jira in Xog hoose ay sheegeyso in shankale oo beesha Mareexaan ah ay xiran yihiin kuwaas oo markii hore lagu soo xirey kuwo aan haysan sharci ay ku wadaan gaari  oo qof ku jiirey Boosaaso iyo kuwo hanti doodii markii la dhacay ku dagaalamey  oo ayagana la soo xirey hase ahaatee Dhamaantood ku eedeysan in ay yihiin Argo-gixiso.
Ugaar siga qarsoon ee ka socota Puntland iyo Mida ka socota Magaalada Garrisa ee Gobalka Bari ee Kenya waa mid hada ku wajahan xaalada Kismaanyo iyo jagada R/wasaare.

Hadaba hadii arrimahaas ay jiraan oo ay sii dheertahay mida hada ka socota waqooyiga Gal-gaduud ee New police ay ka wadaan waxaa muuqata in dagaal cad oo saf barraalan ah in lagu tashadey si looga hortago arimo badan oo beesha mareexaan iyo Dalkaba dan u ah.

Isku soo wada duuboo ugaarsigaas iyo leyntaas loo geysanayo  dad aan wax galabsan  may noqon doontaa mid ay ku gaaraan danta ay leeyihiin ee ah in ay helaan R/wasaare iyo Madax weyne Jubbaland noqdaan ama Jubbaland lagu daro Kenya. Maxayse beesha mareexaan iyo soomaalida ay isku mow qifka yihiin go’aan keedu noqon.

Maxamed Saciid Guuleed
Caabudwaaq, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com