Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Ciidamada Kenya, Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskaanbooni ayaa heegan la Galiyay kadib markii la qabtay haweeney la sheegay iney isku soo xirtay waxyaabaha qarxa.

Wadooyinka magaalada goobta la sheegay in uu shirka ka socdo ayaa la xiray waxaana saacad ku dhawaad Hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka dadweynaha ee magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale waxaa islamarkiiba weerar gaadmo ah falaagada Al Shabaab ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo leeysku weeydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Afhayeenka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni C/naasir Seeraar oo goor dhawayd saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ciidanka Kenya iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay qabteen haweeney  xirneed walxaha qarxa iyo Bambaanooyin taasoo isku dayeeysay inay qarax ismiidaamin ah ka geeysato gudaha hoolka Jaamacabada magaalada Kismaayo.

Magaalada ayaa ah mid xasiloon waxaana la xiray goobaha Ganacsiga dadka ayaa guryahooda ku xarooday waxaa magaalada la soo dhoobay Ciidamo dheeraad ah waxaana baaritaano ka socdaan wadooyinka iyo xaafadaha magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com