Madaxweyne Xasan Sheekh "Lama Aqbali Karo Kalluumeysiga Sharci Darrada Ah".

0

KALUUNMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan dowladiisa aqbali doonin maraakiibta sida sharci-darrada ah uga kalluumaysta biyaha Soomaaliya.

Hadalkan ayuu madaxweynaha ka sheegay mar uu maanta booqday shirkad kalluumaysi oo ku taalla nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan ayaa hoosta ka xarriiqay in dhowaan uu shir uga qeybgalay magaalada New York ee dalka Mareynka uu ku soo hadal qaaday kalluumaysiga sharci-darradda ah ee ka jira xeebaha Soomaaliya, isla markaana aysan dowladdiisu indhaha ka qarsan doonin.

Wasiirka kheyraadka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa isla goobta ka sheegay in shirkadda uu maanta booqday madaxweynaha ay kalluunka u iibgeyn doonto dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com