Hogaamiyaha Ururka Xisbullah Oo Sheegay Inaan La Ridi Doonin Dowladda Bashaar Al Assad.

0

nasralahBeirut (AGGM): Hogaamiyaha ururka Xisbu-allah ee shiicada ah kana dagaalama Lubnaan ayaaa sheegay in dowlada Bashaar Al Assad ay saaxiibo badan ku leedahay gobalka, isla markaana aan xukunka laga ridi doonin.

Xassan Nasruallah hogaamiyaha Xisbu-allah ayaa sheegay in saaxiibada Bashaar Al Assad uu ku leeyahay Gobalka aysan marnaba raali ka noqon doonin in la rido xukuumada Siiriya.

Hogaamiyaha Xisbuallah ayaa sheegay inaysan raali ka noqon doonin in dalka Siiriya uu gacanta u galo kooxo Sunniyiin ah oo ay ugu horeeyaan Takfiiriyiinta oo ay wehliyaan Maraykanka, reer galbeedka iyo Isra’iil, ayuu yiri Xassan Nasruallah oo markii ugu horeysay si toos ah u shaaciyey taageerada uu u hayo dowlada Siiriya.

Dagaalyahanada Xibuallah ayaa horey loo xaqiijiyey inay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka socda Siiriya iyagoo garabsiinaya ciidamada xukuumada Bashaar Al Assad.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com