Falaagada Al Shabaab Oo Isaga Digay In La Dilo Horjoogeyaasha Muhaajiriinta.

0

shabaab ajnabiQoraal ay ku saxiixan yihiin Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab kuna qoran afka Carabiga oo lagu baahiyay Boga Al-Jahad ayaa waxaa looga hadlay weerarkii dhawaan lagu qaaday Hogaamiye sare oo muhaajir ah kana tirsan Al-Shabaab.

Fadwada qoraalka ayaa waxaa si kulul looga hadlay weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Raama Cadeey oo ka tirsan Gobalka Baay halkaasi oo lagu doonaye in lagu dilo Sheekh Abuu Mansuur Al-Amriiki oo ah hogaamiye muhaajir ah kana tirsan Al-Shabaab.

Qoraalka fadwada ayaa waxaa lagu sheegay in Saraakiisha Shabaab ee soo saaray fadwada ay ka digayaan in la dilo saddex sarkaal oo muhaajiriin Shabaab ah kuwaasi oo ku sugan gudaha dalka.

Muhaajiriinta in la dilo laga digayo ayaa waxaa kamid ah Cumar Hamaami oo Shabaab dhexdooda looga yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriiki oo dhawaan Bogiisa twiterka ku baahiyay sawiro muujinaya inuu dhuunta dhaawac ka yahay,sidoo kale waxaa laga digay in la dilo Khadaab Masri oo ka tirsan Saraakiisha Muhaajiriinta Shabaab ahaana hogaamiye hogaamin jiray ciidankii ka dagaalami jiray xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho xilligii Shabaab ay Magaalada qeyb ka maamuli jireen,waxaa sidoo kale kamid ah muhaajiriinta laga digay in la dilo Usaama Biridaani oo kamid ah Shabaab muhaajiriintooda.

Saraakiisha Shabaab ka tirsan ee soo saaray fadwada ka hadlaysa inaan la dilin muhaajiriinta ka tirsan Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in dhawaan weerar lagu qaaday deegaanka Raama Cadeey oo ka tirsan Baay halkaasina lagu dili rabay Abuu Mansuur Al-Amriiki.

Fadwada ayaa waxaa ku saxiixnaa Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka tirsan Saraakisha Sar sare ee Al-Shabaab, Sheekh Xasan Daahir Aweys, Sheekh Abuubakar Al saylici, Sheekh Zubeyr Muhaajir Iyo Macalin Burhaan Sheekh Xaashi.

Al-Shabaab ayaa horay bayaan ay usoo saareen waxa ay ku sheegeen in Abuu Mansuur Al-Amriiki uusan kamid aheyn Shabaab sidoo kalena uusan ku hadli karin afka Al-Shabaab.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay hogaanka sare ee Al-Shabaab oo ku aadan fadwada ku socota kana hadlaysa inaan la beegsan Muhaajiriinta Shabaab ka tirsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com