R/Wasaaraha Ayaa Munaasabadda 1da, May Hambalyo U Diray Dhamaan Shaqalaaha Soomaaliyeed.

0

saacid44Muqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid) ayaa munaasabada 1da May, 2013 oo ah maalinta shaqaalaha aduunka ugu hambalyeeyey dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah dhaqada iyo horumarka dalka guud ahaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarahu

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tibaaxay qiimaha weyn ee ay ummadda u leedahay shaqada iyo wax soo saarka shaqaalaha, dowladuna ay ahmiyad siinayso in munaasadaan shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku xusaan dabaal dagyo ka turjumaya dareenkooda si ay u muujiyaan muhiimadda shaqada iyo shaqaalaha.

“Shaqadu waa nolosha iyo sumacada qofka, waa furaha hurumarka bani’aadamka. Bulsho kasta sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayay uga horeysaa, taas waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan. Hadii aaney shaqo jirin horumar iyo mustaqbal ma jiri karo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Soomaaliyeed ugu jirto inay abuurto shaqooyin, ayadoo laga faa’idaysanayo xooga shaqaalaha ummadda ee diyaarka ah. Waxaana uu tilmaamay baahida loo qabo aqoonyahanka iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed. Isagoo ummadda ku baraarujiyay inay sameeyaan aqoon kororsi ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xiligan loo baahan yahay.

“Soomaaliyada cusub waxay u baahan tahay xoog iyo xirfad shaqo oo dabooli karta baahida shaqaale ee sii kordhaysa. Waxaana ummadda Soomaaliyeed kula dar-daarmayaa inay kordhiyaan aqoontooda iyo xirfadooda si ay ugu sahlanaato inay helaan shaqooyinka ka abuurmaya dalka gudihiisa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana xusay in uusan shaki ugu jirin in dalku galayo marxalad cusub oo xambaarsan koboc dhaqaale iyo horumar.

—-DHAMAAD—

Communication Office
Office of the Prime Minister

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com