Holland Oo Yeelatay Boqor Cusub, Kadib Markey Xilka Ka Degtey Queen Beatrix.

0

wilemAmsterdam (AGGM): Dadka Holland ayaa maanta yeelanaya markii u horeysey muddo 123 sano ah Boqor. Prince Willem Alexader ayaa xilka kala wareegaya Hooyadiis Boqoradda Beatrix.

Queen Beatrix ayaa xilka ka degtey oo ka tanaasushey 33 sano kadib oo ay ahayd Boqorad waxaana ay kaga dhawaaqdey aqalka Boqortooyadu ku leedahay magaalada Amsterdam, halkaas oo ay ku sugan yihiin qoyskeeda iyo xukuumaddu. Marka xafladda is casilaadu dhamaato ayaa Kaniisada Nieuwe kerk lagu caleema saarin loona dhaarin Boqor Willem-Alexander.

Dhamaadkii Bishii Janaayo 2013 ayaa boqoradu ku dhawaaqdey in ay xilka ka degayso 30 April kuna wareejineyso wiilkeeda Willem-Alexander, 30 Abril ayaa ah maalin fasax ah oo loo dabaaldego maalinta Boqortooyada.

Xafladda Boqorka cusub lagu dhaarinaayo waxaa ka soo qaybgalayo Marti sharaf badan oo ka socda Boqortooyinka dunida ka jira, waxaana ka mid ah gabadha sugeysa dhaxalka Boqortooyada dalka Sweden Victoria iyo saygeeda prince Daniel, prince Charles iyo xaaskiisa Camilla oo ka imaanaya Britian, dhaxalsugaha Japan dhaxal sugaha dalka Urdun Hassan iyo dhaxal sugaha Thailand.

Waa markii u horeysey oo dalka Holland yeesho Boqor, muddo 123 sano ah waxaa ka soo talinaayey Gabdho Boqorado ah. Queen Beatrix ayaa Boqorodda dalka Holland noqotey sanadkii 1980 waxaana ay xilka kala wareegtey Hooyadeed Juliana oo sidaan oo kale xilka uga tanaasushey Juliana ayaa iyaduna xilka kala wareegtey hoyadeed Wilhelmina. Boqortooyada Holland ayaa sanadkan u dabaaldegaysa 200 sano oo Boqortooyo ah.

Boqorka cusub ee dalka Holland Willem-Alexander ayaa ah 46 sano jir, waxaana uu dhalay saddex gabdhood. Sharciga dalka Holland Boqortooyadu waxay leedahay awood aan sidaas u weyneyn marka laga hadlaayo talada dalka Holland.

wilem

wilem2

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com