Abuu-Mansuur Al-Amriki Oo Guriga Uu Dagan Yahay Ku Go’doonsan.

0

MANSU2Baydhabo (AGGM): Sida uu ku soo daabacay Abuu Mansuur al Amriikii barta Uu Tweter-ka ku leeyahay, dagaalyahano ka tirsana Al Shabaab ayaa ku hareereysan guri uusan sheegin meesha Soomaaliya uu uga yaallo oo uu dagan yahay.

Abu Mansuur Al Amriki oo sidoo kale loo yaqaano Cumar Xamaami ayaa sheegay in maqlayo Raas ka dhaceysa banaanka Gurigiisa, islamarkaana uu ka cabsi qabo in waxyeelo la gaarsiiyo.

Cumar Xamaami 28 jir-kan  un dhashay wadanka Mareykanka ayaa Twitter-kiisa  waxa uu ku sheegay in haatan nafsatiisa ay ku jirto qatar xoogan maadama gurigiisa lagu hareereeyay,  rasaasna lagu ridayo.

Waxa sawiro uu soo saaray Twitter-ka isaga iyo 3 kale oo garbaha isku haya kuwaasoo cabsi xoogani ay ka muuqatay.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii uu Twitter-ka ku soo bahiyay sawiro muujinaya isaga oo uu dhiig ka baxayo qoortiisa dharkiisan uu dhiig ku haleysan yahay, waxaana uu sheegay in uu ka badbaaday isku  day lagu qaarajin rabay isaga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com