Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Booqasho Ku Jooga Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga.

0

jawaari-turkiIstanbul (AGGM): Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo wafdiga guddoomiyahana ay caawa ku wajahan yihiin magaalada Ankara ee caasimadda dalkaasi.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa  waxaa garoonka diyaaradaha Ataturk Airport ee magaalada Istanbul ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dalka Turkiga oo uu ka mid yahay duqa magaalada Istanbul, waxayna wada-hadal muddo kooban ah garoonka ku yeesheen duqa Istanbul.
Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka waxaa ku jira guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka qaarkood iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa, waxaana ay wafdiga caawa u ambabixi doonaan magaalada Ankara ee caasimadda u ah Turkiga.
Maanta ayaa la fillayaa in guddoomiyaha iyo wafdigiisa u sii gudbaan  magaalada Ankara halkaasoo  ay kulamo kula qaadan doonaana mas’uuliyiin ka tirsan dalka Turkiga sida dhiggiisa baarlamaanka Turkiga, ra’iisulwasaare Recep Tayip Erdogan, madaxweynaha Turkiga Cabdalla Guul iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha hay’adda hormarinta u qaabilsan Turkiga ee TIKA.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com