Danjire Mahiga Oo Lagu Badalay Diblomaasi Ingiriis Ah.

0

nicholas kayNew York (AGGM): Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Kin Moon ayaa waxa uu caawa shaaca ka qaaday in Ergeygii gaarka ahaa ee u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya uu xilka ka baneenayo sadexda bisha Juun isagoo u magacaabay xilkaas wakiil cusub oo Qaramada Midoobay u qaabilsanaan doona arrimaha Soomaaliya.

Wakiilka cusub ayaa waxaa loo magacaabay Nicholas Kay oo ah agaasime ka tirsan waaxda Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa loo magacaabay inuu noqdo wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Nicholas Kay ayaa ah Diblomaasi kasoo jeeda dalka Ingiriiska waxa uuna horey uga soo shaqeeyay qaaradda Afrika, gaar ahaan wadanka Sudan oo uu kasoo ahaan jiray danjiraha Dalka Ingiriiska u fadhiya dalka Sudan.

Sidoo kale waxuu noqday la taliye ka tirsan xafiiska Afrika ee Wasaarada arrimaha dibadda dalka Ingiriiska, Nicholas Kay ayaa waxa uu leeyahay Xaas iyo saddex carruur ah.

Magacaabista Nicholas Kay ayaa timid xilli magaalada London ee dalka Ingiriiska ay ka socto qaban-qaabada shirweyne lagu Taakuleenayo dowladda Soomaaliya kaasoo furmaya 7 bisha May ee sanadkan aanu ku jirno.

Dhinaca kale waxaa albaabada loo laabay xafiiski siyaasadda ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya UNPOS, waxaa kale oo socda hadda in Qaramada Midoobay ay ka fekereyso magac loo  bixinayo xafiiskeeda cusub ee Soomaaliya oo noqon doona xafiis la shaqeeya hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com