Safaarada Soomaliya Ee Kenya Iyo Wasaarrada Arrimaha Dibadda Dalkaas Oo Wada Shaqeyn Buuxda Yeellanaya.

0

cali-ameeriko-safiirkaNairobi (AGGM): Safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa sheegay in xiriir wanaagsan yeellanayaan wasaarrada arrimaha dibada dalka Kenya sida uu sheegay Max’ed Cali Ameeriko.
Waxaa uu sheegay in xiriir wanaagsan uu dhaxmari doono safaarada Soomaaliya iyo wasaarrada arrimaha dibada dalka Kenya, annaga oo ka wada shaqeyn doona ayuu yiri arrimaha qaxootiga Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u magacaabay wasiirrka arrimaha dibada dalka Kenya qof haweeney ah oo lagu magacaabo Aamino Max’ed oo mudo dheer aheyd diblumaasiyad.
Ameerika ayaa sheegay in ay ka wardhowrayaan in baarlamaanka Kenya ay meel mariyaan Aamino oo loo magacaabay wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya ,wuxuuna shaaca ka qaaday in hadii la ansixiyo in Aamino ay qabato xilkaas.
Wuxuuna daboolka ka qaaday in ay xiriir wanaagsan la yeelan doonaan wasaarada arimaha dibada isla markaane ay ka wada shaqayn doonaan arimaha dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com