Ra'iisul Wasaaraha Oo Dhiiragaliyay Tabobarada Ciidanka Ee Wadanka Guddihiisa.*Daawo Sawirada*

0

IMG_7387Muqdisho (AGGM):Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta tilaabo dhiiragelin ah u sameeyey askarta cusub ee ciidanka xoogga dalka ee ku jira xerada tababarka Jasiira, kuwaasoo ay tiradoodu gaareyso kun askari.

Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Cali Cabdi Wardheere (Cali-yare), ayaa saaka gaarsiiyay cadad Geel ah oo ah hadiyad ciidanka uga timid Ra’iisal Wasaare Saacid, looguna talagalay in loo qalo ciidankaasi ku jira xerada tababarka ee Jasiira. Waana tilaabo lagu dhiir-galinayo ciidanka, maadaama ay ku jiraan tababar adag oo waqti dheer qaatay. Ciidankan ayaa lagu wadaa in qeybtooda hore uu tabo-barku u xirmo dhamaadka bisha Meey.

Gaashaanle, Faandhe Jaamac Kaarshe oo ah taliyaha dugsiga tababarka ee Jasiira ayaa ka mahadceliyay taakuleynta khaastaa ee katimid Ra’iisal Wasaaraha, wuxuuna xusay in ciidanku ay u baahnaayeen in inta ay ku jiraan tababarka ay helaan taakuleyn toos ah oo ka timid madaxda qaranka.

Ciidankan ayaa waxaa halkaasi ku tababaraya saraakiil Soomaaliyeed oo khibrad dheer u leh dhanka tababarka ciidamada, iyadoo la siinayo casharo qaabka dagaalka, difaaca iyo wadaniyadda. Tababarkaan ayaa kii ugu horeeyay ee noociisaa ee ka dhaca dalka gudihiisa intii ka dambaysay 1991. Waxaana ay dawladda Soomaaliya ku tilmaantay horumar laga gaaray dhanka tayaynta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee saldhiga u ah hanashada amniga dalka guud ahaan.

DHAMAAD

IMG_7400

IMG_7412

IMG_7387

IMG_7374

IMG_7371

IMG_7425

IMG_7378

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com