Madaxweynaha Aljeeriya Oo Loo-la Cararay Isbitaal Ku Yaal Dalka Faransiiska.

0

bouteflikaAljiers (AGGM): Madaxweynaha Aljeeriya Cabdilcasiis Butafalika ayaa loola cararay isbitaal ku yaal dalka Faransiiska, sida ay xaqiijisay warbaahinta dowlada Aljeeriya.

Cabdicasiis Butafalika oo 76 sano jir ah ayaa la sheegay inuu soo wajahay xanuun dhanka wadnaha ah, waxaana hada lagu dabiibayaa isbitaal ku yaal magaalada Paris.

Butafalika ayaa kasoo talinayey dalka Aljeeriya tan iyo sanadkii 1999, balse sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa aad u yaraa dhaq dhaqaaqa Madaxweynaha, muddooyinkii u danbeeyeyna laguma arkeyn inta badan goobaha fagaaraha ah.

Dowlada Aljeeriya ayaa sheegtay in xaalada caafimaad ee Madaxweynaha ay tahay mid degen, balse dalka Faransiiska loogu qaaday in baaritaan caafimaad lagu sameeyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com