Diyaaradaha Dagaalka Israail Oo Duqeysay Gaza.

0

israil air forceGaza (AGGM): Diyaaradaha dagaalka ee Isra’ iil ayaa saaka duqeeyey qeybo kamid ah deeganaka Gaza ee koonfurta dalka Falastiin.

Duqeynta oo dhacday subaxnimadii Axada ayey ciidamada cirka ee Isra’ iil la beegsadeen sadex goobood oo ku yaal koonfurta Marinka Gaza.

Goobaha la duqeeyey ayaa labo kamid ah ku yaalaan magaalada Khan Yunis oo ka tirsan Marinka Gaza, halka weerarka sadexaad uu ka dhacay magaalada Rafah ee saaran xadka u dhaxeeya Gaza iyo wadanka Masar.

Illaa iyo hada lama hayo wax faah faahin ah oo la xariirta khasaaraha duqeynta, warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in goobaha la duqeeyey ay kamid yihiin goobaha kaydka hubka ee xarakada Xamaas ee maamusha Gaza.

Waa duqeyntii ugu horeysay oo isra’ iil ku qaado Gaza tan iyo 19kii bishan April, kadib markii ay xoogaga Xamaas gantaalo ku tureen dhulka Yuhuudu maamusho.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dhulka Falastiin ka dhaqan-galay xabad-joojin ay ka shaqeysay dowlada Masar oo la dhex dhigay Xamaas iyo Isra’ iil, kadib dagaalkii sideeda maalmood socday ee bishii November sanadkii horey ka dhacay Gaza.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com