Dowladda Britain Oo Sheegtay In Ay Xoojin Doonto Taageerada Dhaqaalle Oo Ay Siiso Soomaaliya.

0

uk-tLondon (AGGM): Haweeneyda lagu magacaabo Justine Greening oo ah xog-hayaha hormarinta caalamiga ah ee dalka Britain oo kulan kula qaadatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Britain ayaa sheegtay in dowladda Ingariiska xoojin doonto taageerada dhaqalle oo ay siiso Soomaaliya.

Xog-hayaha ayaa sheegtay in dowladda Britain £80 milyan ku bixin doonto xal u helidda waxyaabaha sababay saboolnimada iyo colaadda ka jirta Soomaaliya, si markaa loo caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee mudad dheer ku soo jiray dagaallada iyo abaaraha.
Waxaa ay sheegtay in ay siweyn ugu amaaneyso Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingariiska doorka wanaagsan ee ay ka qaadatay horumarinta dhaqaalaha dalka iyo dadaallada loogu jiro dib u soo celinta amniga dalka Soomaliya.
”Dowladda Britain waxaa ay gurmad u fidisay dad gaaraya ilaa 300,000 oo ruux oo ku nool dalka Soomaaliya sanadkii 2011 waqtigaas oo ay Soomaaliya ku dhuftay abaar saameyn adag ku yeellatay dadka iyo duunyada,” ayeey sheegtay Justine Greening.

Dowladda Britain ayaa hadda u muuqta mid si dhab ah ugu soo jeesatay dalka Soomaaliya, waxaana laba cisho ka hor si rasmi ah caasimada Muqdisho 22 sano kadib dib looga furay safaaradeedii Ingariiska.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com