Baarlamaanka Soomaaliya Oo Laalay Moowshin Ka Dhan Ahaa Heshiiskii Magaalada Ankara Ee Dalka Turkiga.

0

baarlamaanka2_large2Muqdisho (AGGM): Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo shir guddoominayay kalfadhiga 2-aad kulankii 22-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si cad u sheegay in Baarlamaanka aan la hor keeni karin Mowshin ka dhan ah Heshiiskii dhawaan dhex maray Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa gabi ahaanba laalay Mooshinkaasi, iyadoona Mowshinka la sheegay in uusan aheyn mid sharci ah, horkeenistiisa Baarlamaanka, isla markaana laga rabo in ay ka hadlaan Golaha fulinta oo uu ula jeeday Golaha Wasiirada.

“Nagama sugeysaan inaan baarlamaanka hor keeno Mooshinka ku saabsan heshiiska dhexmaray dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland, shaqadaas waxaa u xilsaaran hay’ada fulinta dowlada ee xukuumada” Ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaano fara badan ayaa olale ugu jiray sidii Mowshinkaan loogu doodi lahaa, iyagoona sheegay in heshiiskii ka dhacay Ankara uu ahaa mid ictiraaf siinaya Maamulka Soomaaliland.

Isku soo wada duuboo  Xildhibaanada moowshinka keenay ayaa waxaan la ogeeyn talaabada xigta ee ay qaadi doonaan balse sida muuqata markan isku daygooda waa ay ku hungoobeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com