Abu Mansuur Roobow Oo Sheegay Inaan Loo Dul Qaadan Karin Wax Yaabaha Uu Sameynaayo Inna Godane.

0

masuurMuqdisho (AGGM): Khilaafkan xooga leh ayaa wuxuu ka dhashay weerarkii shalay lagu dili gaaray Abuu Mansuur Al Amriki, oo sheegta in uu yahay Afhayeenka Ciidamada Ajaaniibta ee Soomaaliya ku sugan.

Abu Mansuur Roobow oo ka tirsan horjoogeyaasha sar sare ee Al Shabaab, horeyna u soo noqday
Afhayeenka Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu si kulul uu u weeraray Amiirka Al Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubeyr).

Mukhtaar Roobow “Abuu Mansuur” oo la xiriiray Amiirka Al Shabaab, markii uu dilka ka badbaaday Abuu Mansuur
Al Amriki, ayaa wuxuu u sheegay inaysan dib dambe ula shaqeyn doonin Ciidamada Amniyaadka, oo uu aas aasay Ina Godane.

bu Mansuur Roobow Cali ayaa wuxuu ku eedeeyay in uu dhaawac ku yahay Jihaadka, uu sheegay inay kula jiraan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Sidoo kale Amiirka Al Shabaab ayaa wuxuu ku eedeeyay mid Saraakiisha Al Shabaab dhexdooda ku ah cadow, isla-markaana uu marba doonaayo inuu qaarajiyo Masuul Shabaab ah.

Amiirka falaagada Al Shabaab ayaa wuxuu ka dambeeyay weerarkii shalay lagu dili lahaa Abuu Mansuur Al Amriki, oo ka soo jeeda Gobolka Alabama ee daka Mareykanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com