Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan kadib tagitaanki Col. Bare Aden Shire in siyaasadihi foosha xumaa ee ka socday magaalada Kismaayo ay sagaashan digrii is rogeen iyadoo shirweeyne albaabada u xiran yihiin maanta uu uga socday gudaha magaalada Kismaayo Col. Bare Hiiraale iyo dhamaan odoyaasha dhaqan beelaha Soomaaliyeed ee daga gobolada Jubbooyinka.

Waxaa maanta shirweyne albaabada u xiran yihiin uga socday gudaha magaalada Kismaayo dhamaan odoyaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed iyo Col. Bare Aden Shire waloow gabagabadi shirkaas aan la shaacin waxa ay kawada hadlayeen Col. Bare Hiiraale iyo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee gobolada Jubbooyinka.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale hadda u furmay shir albaabada u xiran yihiin Col. Bare Aden Shire iyo Odoyaasha dhaqanka Beesha Sade shirkan oo ilaa iminka ka soconaya gudaha magaalada Kismaayo.

Wararka magaalada Kismaayo laga sheegayo ee ay daabaceen qaar kamid ah shabakadaha dadka ku hadla afka Soomaaliga iyo kuwa sheegta inay yihiin Soomaali oo ay ku sheegayeen in Col. Bare Hiiraale la xiray amaba ay wareeysteen ciidamo Kenyati ah oo uu ugu tagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa ah waxba kama jiraan iyo war Mahbar.

Isku soo wada duuboo xaalada amaanka guud ee magaalada Kismaayo ayaa ah mid aad u dagan balse waxaa xoogaa yara kacsan xaalada siyaasada oo kooxihi siyaasada iyo damaaciga foosha xun watay oo fashilmay, waxaanu ka dhoowrnaaba magaalada Kismaayo waa halka ay maraan kooxda siyaasada iyo damaaciga foosha xumaa ku fashilmay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com