War Deg Deg Ah: Col. Bare Aden Shire (Bare Hiiraale) Iyo Ciidamo Uu Wato Oo Gaaray Magaalada Kismaayo.

0

bare hiiraaleKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaayo  ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan  in maanta  Magaaalada Kismaayo ay soo gaareen Wasiirki hore ee Gashandhiga Soomaaliya Col Barre Adan Shire Hiraale iyo Ciidamo u wato.

Col Barre Hiraale  iyo Ciidamada uu wato ayaa waxa ay magaalada Kismaayo ku soo galeen si lama filaan ah waxaana dad badan oo reer Kismaayo ah ay iswaydinayaan  meesha uu ka soo dusay Col. Barre Hiraale.

Sida aan ku helnay Xog  Rasmi ah oo la isku halayn karo   Col Barre iyo Ciidamada u wato oo horay uga tirsanan jiray Guutadi kowaad ee uu horkacayay Col Canood  waxa ay soo mareen  dhanka Badda ayagoo adeegsanaya Doomaha dheereya ee loogu talagalay in lagula  dagaalamo Burcad badeeda kuwaas oo dhawaan u soo dagay Ciidamada Marineska Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa waxa ay magaalada Kismayo u soo socdeen Mudo Koban  waxa ayna ku soo  xirteen  Dakada yar ee ku taalada Xaafada  Calanleey  agagaarka Hotel Qiilmawaaye.

Ilaa iyo hada  ma cada tirada Ciidamada sarnaa donyahan uu watay Col. Barre Hiraale  waxaana warar kala duwan ay ka soo baxayaan inta doonyood ee ay wateen Ciidamadan .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com