Itoobiya Iyo Kenya Oo Shaaciyay In Ay Ka Qayb-qaadanayaan Dib U Dhiska Soomaaliya.

0

Haile Mariam and Uhuru1Nairobi (AGGM): Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay ka wada shaqeeyaan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Rayalwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa booqasho uu ku tegey magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kulan uu kula qaatey Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta waxay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya, Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa sheegey in deganaansho la’aanta ka taagan Soomaaliya ay saameyn ku yeelatey dalalka deriska ah, taasna ay kalifeyso in dersiku gacan ku yeesho wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya.

Madaxweynaha dhawaan la doortey ee Kenya ayaa dhankiisa sheegay in dalalka IGAD iyo kuwa gobolku, ay ku bixinayaan Soomaaliya dedaal dheeraad ah sidii nabad iyo horumar ay u gaari lahayd.

Labada dal ee Itoobiya iyo Kenya oo xuduud la wadaaga Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo gudaha Soomaaliya, Ciidamada Kenya waxay ku joogaan hawlgalka AMISOM, Itoobiya waxay sheegtaa in ay ku joogto codsi uga yimid Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya.

Itoobiya ayaa sheegtey in ay qorsheyneyso in ay kala baxayso ciidankeeda, inkasta oo ay sheegeen in bixitaankaasi u dhici doono si tartiib ah marka ay amniga goobaha ay joogaan la wareegaan Ciidanka Soomaaliya iyo AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com