Dowladda Itoobiya Oo Beenisay In Ciidankeeda Ay Kala Baxeeyso Soomaaliya.

0

Dina MuftiAddis Ababa (AGGM): Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Itoobiya ayaa beenisay in uu jiro qorshe ay si deg deg ciidamadooda ay ugala baxayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Dina Mufti  ayaa VOA-da u sheegay in aysan jirin hadda qorshe ciidamadooda ugala baxayaan  Soomaaliya.

Raysul wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa baarlamaanka dalkaas ka sheegay in ay ciidamadooda ay kala baxayaan Soomaaliya kaddib marka saraakiisha ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ee ka howl-gala Soomaaliya, ay dhowr goor oo hore ballaan qaadeen in ay kala wareegi doonaan deegaannada ay ciidamada Itoobiya joogaan balse aysan weli AMISOM billaabin in ay la wareegaan deegaannada ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya.

Afhayeenka u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Itoobiya  oo tixraacaya hadalkaas ayaa sheegay in raysul wasaaraha uu sheegay in Itoobiya ay ka walaacsan tahay in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya marka ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala wareegaan goobaha ay ku sugan yihiin.

Ciidamadda Itoobiya ayaa galay gudaha Soomaaliya laba sano ka hor si ay u kaalmeeyaan ciidamadda AMISOM ee dagaalka kula jira kooxda al-Shabaab .

Dhowaan ayaa Itoobiya waxay ciidamadeeda kala baxday magaalada Xuddur, waxaana saacado kaddib magaalada la wareegay kooxda Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com