Itoobiya Oo Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Ula Baxeysa Ciidamada Ka Jooga Gudaha Dalka Soomaaliya.

0

itoobiyan primeminsterAddis Ababa (AGGM): Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ula baxeyso ciidamada ka jooga gudaha dalka Soomaaliya, kadib markii ay sida ay sheegtay uu ku dheeraaday waqtigii ciidamadooda lagala wareegi lahaa amniga deegaannada ay gacanta ku hayaan.
Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheagay in ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya uu sida ugu dhaqsiyaha badan ula bixi doono, isagoo sheegay inay daahsadeen in ciidamada AMSIOM iyo kuwa dowladda Soomaaiya ay la wareegaan deegaannada ay ciidamadiisu u sugan yihiin.
Hadalka ka soo yeeray ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xili horaantii Sanadkan aynu ku jirno ciidamada Itoobiya ka baxeen degmada Xudur oo ay horay uga saareen Al-shabaab, waxaana taa keentay in ah halkaa dib ugu laabtaan xoogaggii Al-shabaab ee horay looga saaray.
Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ciidamadeeda u soo dirrtay Soomaaliya sanadkii 2006 iyadoo kala baxday sannadkii 2009 markaasoo ay la dagaalamaysay maxkamadihii Islaamka, mar kale ayay go’aansatay inay kusoo laabato sannadkii 2011 markaasoo ay furtay aag saddexaad oo lagala dagaaamayo xoogagga Al-shabaab.
”Waqtigu waa uu dheeraaday, ciidamada Itoobiya mudo dheer ayeey ku sugan yihiin deegaannad ay ka joogaan Soomaaliya, ilaa iyo haddana ma jirto cid kala wareegtay amniga deegaannada ay gacanta ku hayaan, sidaa daraadeed waxaan go’aansanay in aan sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada ula baxo,” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya.
Saraakiisha AMISOM ayaa horay u sheegay in la bixista ciidamada Itoobiya uu dhabar jab ku noqon karo dowladda federaalka Soomaaliya, laakiin aysan aheyn talaabo marnaba wax ka badalli doonto qorshaha midowgga Africa iyo ciidamada AMISOM ee ah xasilinta Soomaaliya.
Ciidamada Itoobiya kama mid ah AMISOM, waxayna ku sugan yihiin gobollo badan oo ku yaala xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaase Desalegn uu muujiyay walaalaha uu dalkiisu ka qabo dagaallada Al-shabaab ay weli ka waddo gudaha Soomaaliya.
Ugu danbeytii waxaa uu sheegay ra’iisal wasaaaraha dalka Itoobiya in kumanaanka ciidamada ah ee ka jooga Soomaaliya dib ugu soo laaban doonaan dhinaca xuduuda si ah halkaa amniga dalka Itoobiya uga ilaaliyaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com