Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay magaaladaasi soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa marki ay magaalada soo gaareen waxa ay fariisin ka sameeysteen gudaha warshada Hilibka ee magaalada Kismaayo oo horey ay fariisin ugu ahayd Guutada 1aad ee ciidamada dowllada Soomaaliya aaga Jubbada Hoose.

Waxaa si diirin iyo caleemo qoyan loogu soo dhaweeyay ciidamadan dhawaan ka soo ruqaansaday dhanka magaalada Ceelwaaq, waxaana loogu hilbo qalay gudaha warshada Hilibka ee magaalada Kismaayo iyadoo ay kasoo qeyb galeen soo dhaweyntooda saraakiil ciidan iyo qaar kamid ah odoyaal dhaqameedka deegaanada Waamo.

Dhinaca kale waxaa cirka isku sii shareeray khilfaaka u dhexeeya Axmed Madoobe, Prof. Gaandi iyo Shakuul, iyadoo uu shir uga socdo kooxda badda gadatay (AZANIA) garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, halka garabka Axmed Madoobe ay diideen inay ka qeeyb galaan shirkaas.

Sidoo kale waxaa jira maleeshiyo beeleed kasoo jeeda Beesha Reer Isaaq oo iyaguna fariisin maanta ka sameeystay Kaalinki shidaalka ee dowladdi dhexe ee Soomaaliya una dhowaa Dekeda magaalada Kismaayo, iyadoo la soo sheegayo inuu khilaaf xoogan kala dhexeeyo Horjoogaha  maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Isku soo wada duuboo akhristoow xaalada magaalada Kismaayo ayaa maalinba maalinta kasii dambeysa noqonaysa mid sidii tusbax go’ay faraha ugasii baxeysa, iyadoona ay soo xoogeesanayaan ismaandhaafka siyaasadaadaha isdiidan ee ka aloosan magaaladaasi.

Maxamed Dhagacaleen
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com