Suldaan Cali Sonkor Oo Eedeeyey IGAD Iyo Gudiga Farsamada Ee Shirka Kismaayo *Dhageyso*

0

Suldaan-Cali sonkorIyadoo maanta qayo kamid ah ergooyinka ku xaraysnaa xarunta Jaamacada Magaalada Kismaayo loo dad gureeyay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayaa hadana waxaa soo baxaya dhaliilo loo soo jeedinayo Gudiga Farsamada Maamul Usamaynta Juba-Land iyagoo qaarkoodna lagu Eedaynayo in ay Shirka kasareen qaar kamid ah Saladiinta Gobolada Juba-Land.

Suldaan Cali Salaad Cusmaan (Suldaan Cali Sonkor) oo kamid ah Salaadiinta beesha Tanade ee Gobolka Jubbada Hoose oo waraysi gaar ah” siiyay, RBC Radio ayaa waxaa uu kaga hadlay, aqabado kala duwan oo uu sheegay in ay shirka hortaagan yihiin.

Suldaanka ayaa RBC u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in juba-land ay dhisanto laakiin waxaa muhiim ah in la ilaaliyo doorka Isimada, oo aan lagu xadgudbin , sidaas waxaa yiri Suldaan Cali.

Suldaan Cali ayaa Ciidamada AMISOM ku eedeeyey in ula dhaqmeen si ka baxsan sidii la isku ogaa oo xadgudubyo u geysteen Isamada oo uuisaga kamid yahay.

“Aniga Boolis kenyaan ah ayaa iga soo saray xarunta jaamacada waxaana ii adeegsaday rag kamid ah gudiga farsamada taasna ceeb ayay ku tahay IGAD iyo dadka qorshaha wada in dad been abuur ah looso xaabiyo iyaguna aysan kala saarine, ay sidooda ku qaatan” ayuu yiri Suldaan Cali.

Suldaan Cali Salaad Cismaan oo hadalkiisa ku daray in uu kala hadlay madaxda IGAD in ay dib u eEgis ku sameeyaan Ergooyinka loo keenayo hase ahaate wax jawaab ah kamanan helin ayuu nabadoonku hadalkiisa kusoo xiray.

Suldaan Cali Salaad Cusmaan (Suldaan Cali Sonkor) ayaa looga caano shubay Bishii Juunyo sanadkii 2008 Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, Isimada Beesha Tanade ee Gobalada Juba-Land waxa ay kala yihiin Suldaan Xasan Xaaji iyo Suldaan Cali Salaad.

Halkan Guji Kana Daawo Caano Shubki Suldaanka.

Halkan Guji Kana Dhagayso Wareeysiga Suldaanka

Source: RBC Radio

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com