Marwo Faadumo Bare Ugaas Axmed Oo Ku Dhawaaqdey In Ay Tahay Musharax U Taagan Qabashada Xilka Madaxweynenimo Ee Jubbaland. *Daawo Video-ga*

0

faadumo-Bare-Igaas-Axmed-1Kismaayo (AGGM):Faadumo Bare Ugaas Axmed Ugaas Aden oo ka mid ah Aqoonyahannada Gobolka Gedo, ahna isku duwaha Ururka Haweenka Gobolka Gedo ayaa Maanta Shir Jaraa’id oo ay ku Qabatey Magaalada Kismaayo waxay si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay tahay Musharaxad u taagan Qabashada Xilka Madaxtinimada Maamul Goboleedka Jubbland ee Howshiisu ay ka Socoto Magaalada Kismaayo.

Faadumo Bare oo maalmahii ugu dambeeyey ku sugneyd Magaalada Kismaayo ayaa waxay kulamo ku aadan howlahaasi ay kula lahayd Qeybaha kale duwan Bulshada ku dhaqan Kismaayo, iyadoona sheegtay haddii uu ku guuleysto Xilkaasi in wax weyn uu ka Qaban doono adeegyo ay ka mid yihiin Horomarinta Bulshada, gaar ahaan Haweenka, Nolosha, Sida Caafimaadka, Waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, Nabad gelyada, Shaqo abuurka Iyo Dib udhiska Wadooyinka, Beeraha iyo Kaluumeysiga.

Faadumo Bare oo ah Aqoon yahanad si weyn looga yaqaano Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa waxay ku dhalatey Degmada Luuq, sanadka markuu ahaa 1967, waxayna Waxbarashada hoose, Dhexe iyo mida Dugsiga Sare ay ku dhamaysatay Degmada Luuq sanadkii 1985, kaddib waxay gashey sanadka markuu ahaa 1987 ilaa 1989 Machadka Maamulka iyo Maareynta ee SIDAM, Muqdisho, iyadoo ka qaadatey Shahaado Dibloma ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com