Wasiirka Gaashandhigga Oo Maanta Hortagay Barlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya, Su’aalano La Weydiiayay.

0

fiqi1Muqdisho (AGGM):Waxaa la weydiiyay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya su’aalo la xiriiray heshiisyada dhanka ciidanka ee Wasaarada Gaashaandhiga la gashay Dowladaha shisheeye sida looga gudbi karo ciidan ku dhisan qaab beeleed,Warbixin ku saabsan xaaladaha ciidamad Dowladda ee ku sugan Gobalada dalka iyo su’aalo kale oo intooda badan ku qotomay arimo sigaar ah uquseeyay wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Wasaarada difaaca Xukuumadda Soomalaiya ayaa ugu horeyn ka jawaabay su’aal ay weydiiyeen Xubnaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ku aadaneyd goobihii laga saaray Al-Shabaab iyo kuwa weli ay ku sugan yihiin waxa laga qabtay.

Waxaana wasiirka uu sheegay in ciidanka xooga ay qaadeen talaabo horumar leh oo la furay wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo qorshaha iminkana uu yahay sidii la isugu furi lahaa Magaalooyinka Jowhar iyi Beladweyne,Marka Iyo Kismaayo sida uu sheegay.

Xubnaha Guddiga Difaaca ee Baarlamanka ayaa wasiirka weydiiyay inuu turxaan bixiyo hub dhawaan la sheegay in lagala baxay baqaaro ku yaalo Xarunta madaxtooyada iyo darees cusub oo loogu talogalay ciidanka xooga dalka oo sida lasheegay lagu weeraray xarumaha garsoorka iyo waxa uu kala socdo ayaa Wasiirka wuxuu sheegay inaanay jirin hub lagala baxay madaxtooyada balse uu jiray iskuday hayeeshe ay fashiliyeen ciidanka madaxtooyada,dadna ay uxirxiran yihin arintaasi.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaarada gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi waxa uu ku daray su’aalo la weydiiyay inay jirto qorshe Wasaarada Gaashaandhiga ay ugu talo gashay caruurta yar yar ee ay ciidanka ka geeriyoodaan waxaana uu sheegay in la daryeeli doono.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com