Midowga Afrika Oo Si Kulul U Canbaareysay Dilkii Wariye Maxamed Ibraahim Raage.

0

ANNADIFMuqdisho (AGGM):Mahamet Saleh Annadif  wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay dilka weriye Maxamed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa warbaahinta qaranka ee RadioMuqdisho oo shalay galinkii danbe lagu dilay magaalada Muqdisho.

Danjire Annadif ayaa tacsi u diray qoyska iyo saaxiibbada weriyaha la dilay, raadiyaha Muqdisho iyo bahda saxafiiyiinta Soomaaliyeed.

Wuxuu ammaanay dhiirranaanta weriyayaasha Soomaaliyeed, isagoo xusay in Maxamed Raage uu yahay weriyihii afaraad ee la dilay sanadkan.

Danjiraha wuxuu sheegay in saxaafadda ay qeyb muhiim ah ka tahay dimuqraadiyadda, waana in la ilaaliyaa, ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in AMISOM ay diyaar u tahay inay caawimaad kasta ka siiso dowladda iyo ciidanka amniga qaranka sidii loo joojin lahaa weerarradan foosha xun, ayuu raaciyay.

Weriye Maxamed Ibraahim Raage ayaa la dilay shalay galinkii dambe gurigiisa oo ku yaala degmada Dharkaynley ee gobolka Banaadir xilli uu ka soo noqday shaqada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com