Maamulka Soomaaliland Oo Sheegay In Aysan Ka Qeyb-galli Doonin Shirka Ka Furmaya Bisha May Magaalada London.

0

DIGITAL CAMERAWashington DC (AGGM): Iyadoo dowladda Britain dadaal u gashay sidii maamulka Soomaaliland loogu qancin lahaa ka qeyb-galka shirka lagu wado in uu bisha May ka furmo magaalada London, ayeey mar kale ku celisay xukuumada Soomaaliland mowqifkeeda ku aadan ka qeyb-galka shirka.
Dhawaan ayeey aheyd markii wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliland kulan kula yeesheen magaaalada London mas’uuliyiinta dalka Britain oo ay ka wada hadlleen shirka la fillayo in bisha soo socta halkaa uu ku furmo, kaasoo ay si wada jir ah u shir guddoomin doonaan madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud iyo ra’iisal wasaaraha dalka Ingariiska David Cameron.
Wasiirrka arrimaha dibada maamulka Soomaaliland Max’ed C/llaahi Cumar ayaa isaga oo jooga magaalada Washigton waxaa uu warbaahinta u sheegay in soo jeedinta dowladda Britain ee ah ka qeyb-gallka shirka London ay aheyd mid ka timid ra’iisal wasaaraha dalka Ingariiska, laakiin ay u cadeeyeen dhinacooda mowqifkooda ku aadan shirka.
Waxaa uu sheegay in shirka bisha May furmaya yahay shir u gaar ah Soomaaliya, sidaa daraadeed uusan quseyn Soomaaliland, waxaana uu si cad u sheegay wasiirrka in marnaba dhinooca ka qeyb-galli doonin shirkaas.
Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Soomaaliand ayaa xiligan ku sugan dalka Mareykanka, waxaana la fillayaa in ay halkaa kulamo kula yeeshaan mas’uuliyiin ka tirsan wasaarrada arrimaha dibada dalkas iyo hay’adda Marekanka u qaabilsan arrimaha gargaarka ee USAID.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com