Duqeyn Xoogan Oo Ka Dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

0

qarax galkacyoGaalkacyo (AGGM):Warar ka imaanaya  garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in duqeyn xoogan ayka dhacday saaka garoonkaasi ka dib markii maleeshiyaad hubaysan ay duqeeyeen garoonkaasi.

Duqeynta ayaa dhacday waaberigii saaka markii labo duqeyn ah la sheegay inay kasoo dhacday dhanka Galmudug ayna ku dhacday dhanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka ay wax u dhaceen wararka qaar ayaa sheegaya in duqeynta labo kamid ah laga soo riday garoonka diyaaradaha ayna kusoo dhacday xaafada Israac ee isla magaalada.

Maleeshiyaad hubaysan ayaa isku abaabulanayay magaalada waxii ka dambeeyay dilkii ka dhacay magaalada maalinimadii shalay oo sarkaal ka tirsan Galmudug lagu dilay magaalada, iyadoo loo malaynayo in xiisada ay halkaasi ka taagan tahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com