Boostada Soomaaliya Oo Dib Loo Furayo 22 Sano Kadib.*Daawo Sawirada*

0

som post2Bern (AGGM):Wasaaradda War-faafinta, boostada iyo isgaarsiinta ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Boostada ee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Maantay kala saxiixday Heshiis ku aaddan dib u soo Celinta Adeeggii Boostada ee Soomaaliya.

Heshiiskan oo dhowr qodob ka kooban oo ka dhacay Magaalada Bern ee Dalka Switzerland ayaa waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay wasiirka war-faafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/laahi Ciilmooge Xirsi, halka dhinaca Imaaraadkana uu saxiixay Fahad Ciisa Al-xuseyni, oo isagu ah madaxa hay’adda boostada ee dalkaas.

“Waxaan ku guuleysanay in laga bilaabo 22ka Bishan April ay Boostada Soomaaliya tahay mid shaqayneysa meelkasta oo caalamkana looga soo diri waraaqaha” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo kusugan magaalada Bern ee dalka Switzerland.

Wasiirka ayaa Shirkaan oo ay ka qaybgalayaan 192 Dal oo xubin ka ah Ururka Midawga Boostada Adduunka hortooda ku saxiixay heshiiskaan Taariikhiga ah.

Qodobada Ugu Muhiimsan Heshiiska:

1- In hay’adda Boostooda ee Imaaraadku ay mas’uul ka noqon doonto qaadista boostooyinka Soomaaliya laga diro iyo kuwo loosoo diro

2- In Dubai ay noqoto halka ay sii maraan boostooyinka Soomaaliya laga diro, loona soo marsiiyo

3- In muddo 12-bilood ah kharashaadka dhanka maaliyadda ee dalalka kale ku baxaya ay dowladda Imaaraadku maareyso.

Guddi Madax banaan ayaa loo dhisay oo baaro Heshiiskaan iyo qodobada lagu heshiiyey iyo sidii ay u noqon lahaayeen kuwo si dhaqso ah u dhaqan gala.

Heshiiskaan ayaa imaanaya xili Boostada Soomaaliya ay shaqada ka maqneyn muddo 23 Sano ka badan.

som post2

som post

som post1

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com