Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Wafdigi Uu Hogaaminayay Oo Ku Laabtay Magaalada Muqdisho.*Daawo*

0

xasan sheekh safarMuqdisho (AGGM): Waxaa goor dhaw dib ugu laabtay magaala Muqdisho wafdigii uu horkacayay madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee safarka ugu maqnaa dalka Itoobiya, iyaga oo ka soo qeyb-gallay shir ay halkaa ku yeesheen madaxda qaarada Africa.
Wafdiga xukuumada waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen ra’iisal wasaare Saacid iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari.
Waxaa warbaahinta kula hadashay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirrka arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Waxaa ay sheegtay in wafdiga madaxweynaha uu hogaaminayay magaalada Bahar Dar ee dalka Itoobiya uga qeyb-galleen shir ay halkaa ku lahaayeen madaxda qaarada Africa oo looga hadllayay amniga.
”Madaama aynu nahay dal ka soo kabanaya colaado iyo dagaallo mudo dheer soo socda, waxaa uu shirkaas ahaa mid muhiim gaar ah noo lahaa, runtiina madaxweynaha qudbad qiimo leh ayuu ka jeediyay shirka, kulamana waan la qaadanay mas’uuliyiintii aan la kulannay,” ayeey tiri Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa qudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay shirka oo ahaa mid looga hadllayay amniga qaarada Africa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com