Ciidamada Dowladda Ee Magaalada Kismaayo Oo Is Hortaagay Dhoofinta Dhuxusha Iyo Dekeda Kismayo Oo Maalinti Labaad Xiran.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayoa yaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay is hortaageen dhoofinta dhuxusha oo ay ku timaameen inay tahay sharci daro mamnuuc ah iyo qaadista canshuurta magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in shalay iyo maanta ay xirneed dekeda magaalada Kismaayo, kadib marki ciidamada dowladda ay warqado qoraal ah u qeeybiyeen ganacsatada ku sugan gudaha magalaada Kismaayo.

Warqadan ay ciidamada dowladda u qeeybiyeen goobaha ganacsiga iyo ganacsatada waa weyn ayaa waxaa ku qornaa ineysan bataatanba dhoofin karin dhuxusha oo ay tahay sharci daro mamnuuc ah iyo inaysan bixin karin wax canshuur ah ilaa amar dambe, qofkii lagu helaa inuu dhoofiyo dhuxusha amaba bixiyo canshuurna dowladda si adag ula xisaabtami doonto.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in hanjaabdyo ay qadka telefoonka isu mariyeen Gen. Cabaas Gurey iyo horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe, waloow aan faah faahin dheeri ah laga heeyn hanjabaada ay Gen. Cabaas iyo Horjooge Maleeshiyo Axmed Madoobe Hawada Isu Mariyeen

Isku soo wada duuboo magaalada Kismaayo ayaa waxaa aad usoo dhawanaya maalinba maalinta ka dambeeysa Foosheeda, waxaana leeys weeydiinayaa toloow ma waxay dhali doonta Qaran mise Qaran diid.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com