Warsaxaafadeed: Ra’iisal Wasaaraha Oo Hortegay Golaha Baarlamaanka, Kana Jawaabay Su’aalihii Xildhibaanada.*Daawo Sawirada*

0

IMG_6782Muqdisho (AGGM): Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta hortegay kalfadhigii labaad kulankiisii 18 aad ee golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed isagoo ka jawaabay su’aalihii la xiriiray waxqabadka xukuumada ee 100 maalmood. Taasoo ay xildhibaanadu codsadeen inuu warbixin faah faahsan ka siiyo su’aalo ka yimid warbixintii wax-qabadka dawladda ee horaantii Maarso dawladdu soo gudbisay.

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen xildhibaano gaaraya 192 xubnood, uuna shir gudoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Ra’iisal Wasaaraha lagu weydiiyay toban (10), su’aalood oo ku aadan waxqabadka iyo qorshaha xukuumada ayadoo la tixraacayo qoraaladii ay horey dawladu ugu soo gudbisay Baarlamaanka.

Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa si qotadheer uga waramay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadiisa mudada boqolka maalmood, gaar ahaana dhismaha maamulada kumeelgaarka ah ee gobolada dalka, diyaarinta qorshaha amniga iyo xasilinta dalka ee afarta sano, meel marinta nidaamka dib u dhiska maamulka maaliyadda, horumarinta waxbarashada iyo dib u dhiska dugsiyada waxbarashada, iyo sidoo kale heshiiskii iskaashiga dhanka ciidanka ee dawladda Turkiga.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa faah faahiyay qorshaha urur goboleedka IGAD ee dib u dejinta Soomaaliya kaasoo ay dib u eegis ku sameeyeen golaha Wasiiradu isla markaana ay waafajiyeen lixda tiir ee qorshaha guud ee dawladda. Wuxuuna xusay in qorshahani hirgelintiisa ay macne weyn ugu fadhiyo dawladda iyo bulshada Soomaaliyeed.

“Xukuumadu waxay hirgelisay in ka badan toban dugsi oo si lacag la’aan ah ardayda wax loogu bari doono” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha mar uu ka jawaabayay su’aal la xariirta dhanka waxbarashada isaga oo carabka ku dhuftay in ay jiraan dugsiyo kale oo haatan lagu wado dayactir.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa si muuqata uga jawaabay dhamaamba su’aalihii ay xildhibaanadu weydiiyeen, isaga oo u raaciyay qoraalo ka tarjumaya heshiisyada, sharciyada, guddiyada, iyo qorshayaasha kale ee ku aadan dhismaha maamulada dalka, sugidda amniga iyo xasilinta, horumarinta waxbarashada iyo hindise sharciyeedyo golaha wasiiradu horay u ansixiyeen.

Kulankan maanta ayaa ku soo idlaaday jawi degan iyo isfaham, iyadoo guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaankuna uu ku wargeliyay xildhibaanada Baarlamaanka in maalinta berri ah uu Baarlamaanka hor iman doono Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed si ay su’aalaha ay qabaan u weydiiyaan.

Waa markii labaad ee uu Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu hortago golaha Baarlamaanka tan iyo dhismaha xukuumadiisa.

IMG_6765

IMG_6763

IMG_6747

IMG_6782

IMG_6788

IMG_6799

IMG_6805

IMG_6808

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com