Waaxda Socdaalka Soomaaliya Oo Gacanta Ku Dhigay Dad Doonayey Inay Ku Dhoofaan Baasabooro Aysan Laheyn.

0

gaafowMuqdisho (AGGM): Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay rag Soomaali ah oo wata Baasabooro ajnabi ah oo aanay lahayn, kuwaasi oo doonayay inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha, waxaana haatan ku socdo baaritaano la xariira Baasaboorada ay wataan.

Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Federaalka Jan. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa warbaahinta u faahfaahiyay arrimaha la xariira dad Soomaali ah oo wata Baasabooro ajnabi ah oo aanay iyagu lahayn, wuxuuna sheegay in dadkaan markoodii hore ay ku soo galeen Baasaboorada lagu qabtay.

Taliye Gaafow waxa uu sheegay in dadka lagu qabtay Baasaboorada ajnabiga ah oo aanay iyagu lahayn tiradooda ay gaarayaan 100-ruux, wuxuuna caddeeyay in dadkaani intooda badan ay ka yimaadeen wadamada Ingiriiska iyo Sweden.

Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu sheegay  in Dadka wata baasaboorada ajnabiga ah aysan yaqaanin luqadda wadamada ay Baasaboorkooda wataan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Taliye Jan. Gaafow in dadkaan doonayay inay ku dhoofaan baasabooro aysan lahayn ay ka dambeeyaan falkaasi kooxaha muqallasiinta iyo dullaaliinta ka ganacsada dhoofinta sharci darrada ah ee wadamada caalamka.

Dhinaca kale Mudane Gaafow wuxuu sheegay in Soomaalida heysata Baasaboorada wadamada shisheeyaha gaar ahaan Yurub iyo Mareykanka qaarkood inay Baasabooradooda ka iibsadaan dad kale, taasina ay ka dhalato fashil iyo in dhibaatooyin uu la kulmo qofka iibsaday baasaboor uusan lahayn.

Waa markii ugu horeysay oo dad ka badan 100-ruux lagu helo iyagoo ku dhoofaya Baasabooro aysan lahayn, iyadoo arrintan ku soo beegmeyso xilli warar horay u soo baxay ay sheegayeen in shirkadda diyaaradaha Turkish Airline ay dalka ka dhoofisay dad heysta Baasabooro faalso ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com