AMISOM Oo Sheegtay In Ay Ka Foojigan Tahay Weerarada Kale Ee Ay Soo Qaadayaan Al Shabaab.

0

xaamudMuqdisho (AGGM): Saraakiisha sare ee ciidamada midowgga Africa AMISOM ayaa sheegay in ay siweyn uga foojigan yihiin sida ay hadalka u dhigeen weeraro kale oo ka dhaca magaalada Muqdisho kadib weerarkii ay dadka badan ku dhinteen oo horaantii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho.
Afhayeenka AMISOM, korneyl Cali Aadan Xumad ayaa warbaahinta u sheegay inay ka feejigan yihiin in uu mar kale dhaco weerar la mid ah kii ay al-Shabaab dhowaan ku qaadday maxkamadda gobolka Banaadir.
Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay falkii dadka rayidka ah lagu xasuuqay ee ka dhacay maxkamadda, wuxuuna ku tilmaamay inuu fashil ku yahay maleeshiyada al-Shabaab oo mas’uuliyaddiisa sheegatay.
Afhayeenka waxaa uu sheegay in ay wax badan ka qaban doonaan nabad-galyada magaalada Muqdisho islamarkaana difaaci doonaan sida uu hadalka u dhigay nabad-galyada dadka rayidka ah.
Sidoo kale, afhayeenka wuxuu soo hadal-qaaday bixitaanka ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ciidamo la geeyo goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya.
Horjoogayaasha Al-shabaab ayaa wali ku hanjabaya in ay qaadi doonaan weeraro ka dhan ah xarumaha dowladda, kadib weerarkii cuslaa oo ay ku qaadeen xarunta maxkamada gobollka Banaadir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com