Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Oo Sheegay In Shirka Kismaayo Uu Yahay Mid Aan Waafaqsaneen Dastuurka Dalka U Yaalla.

0

WASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHAMuqdisho (AGGM): Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in shirka Kismaayo uu yahay mid aan  waafaqsaneen dastuurka dalka u yaalla isla markaane uusan ahayn mid ka turjumaya habka dastuurka dalku uu u dhigayo samaynta maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka oo la hadlayey warbaahinta ayaa ka jawaabay su’aal  la weydiiyey oo ku saabsaneed ciidamada aan ka tirsaneen ciidanka xooga dalka ee hubeysan kuna sugan gobolada ay ka taliso dowlada  waxa ay ka yeelayaan  wuxuuna tilmaamay in siyaasada dowlada Soomaaliya ee ku aaddan arintaas ay tahay mid cad,isagoona shaaca ka qaaday in dowladau aysan ogolaan doonin ciidan aan ahayn midka xooga dalka Soomaaliya iney hub haystaan

“Taas anaga oo ka duuleynay waxaan ciidankii culima udiinka ahlu sunna waljamaaca oo muddo dheer soo halgamay ugu biirinay ciidanka xooga dalka si aysan u jirin ciidamo magac kale sita oo ku sugan gobolada gacanta ugu jira dowlada” ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.

C/kariin Xuseen Guuleed  ayaa yiri in dowlada Soomaaliya ay ku dadaaleyso hirgalinta dhisida maamul goboleedyada dalka ee qaybta ka noqonaya dowlada federaalka si waafaqsan hannaanka dastuurka dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com