Wargeyska TIME Oo Madaxweyne Xasan Sheekh Ku Dartay Liiska 100 Qof Ee Adduunka Ugu Saameynta Badan.

0

xasan sheekh maxamuud1New York (AGGM): Wargeyska caalamiga ah ee TIME ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kusoo dartay Liiskeeda 100ka Qof ee ugu saameynta badan caalamka Sanadkaan 2013.

Waa markii abid ugu horeysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed lagu soo daro Liiska 100ka Qof ee ugu saameynta badan Caalamka oo ay TIME Sanad walba shaaciso.

Madax sare oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, Joe Biden ama Mario Draghi (Madaxweynaha Bangiga Dhexe ee Yurub) ayaa ka muuqda Liiska.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Liiska kaga jiraa tirada 46-aad, hadiise la fiiri Liiska Hoggaamiyaasha wuxuu kaga jiraa tirada 5-aad.

Madaxweynaha dalka Rwanda oo Qoraalka ka qoray Xasan Sheikh ayaa Qoray: “Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku dadaalayaa sidii xukuumadda Cusub ee Soomaaliya u noqon laheyd mid ictiraaf ka hesha Caalamka, wuxuuna xooga saarayaa dib u heshiisiinta Soomaaliya”.

Halkan Guji Kana Akhriso Warbixinta TIME

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com