Qarax Miino Oo Dillay Qofkii Aasayay Oo Saaka Ka Dhacay magaalada Muqdisho.

0

ismiidaamiye_2Muqdisho (AGGM): Hal qof oo sida wararku sheegayaan ah ruuxii aasayay ayaa ku geeriyooday qarax miino oo siweyn xalay looga wada maqllay degmada Hodan ee gobollka Banaadir iyo dhamaaan xafaddaha ku dhaw dhaw sida ay ku waramayaan dadka degmada Hodan ee uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxa oo la maqlay saakay waabarigii hore ayaa ka dhacay wadada isku xirta ama u dhaxeysa Is-goosyka Tarbuubka iyo Isgooyska KM4, gaar ahaan waxaa la sheegay in miinada lagu asayay wado gaar ah oo siweyn ay u isticmaalaan ardeyda subixii hore u jarmaada dugsiyada waxbarashada iyo Jaamacadaha Muqdisho ku yaalla.
Jen C/llaahi Xasan Bariise oo ah afhayeenka booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in markiib ay goobta gaareen ciidamada nabad-galyada dowladda federaalka Soomaaliya oo howlgal ay halkaa ka sameeyeen ku soo qab qabtay dad la tuhusan yahay.
Dadka ku dhaqan degmada Hodan oo saakay tagay halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ku arkay meydka qof dhalinyarro ah oo qeybo ka mid ah jirkiisa ay la tagtay miinada oo goobta yaalla.
Ma’aha wax ku cusub magaalada Muqdisho dhacdooyinka noocan oo kale ah, gaar ahaan qaraxyada ay ku dhintaan shaqsiyaadkii diyaarinayay ama aasayay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com