Dhaq Dhaqaaq Ciidan Oo Ka Jira Deegaanno Ka Tirsan Gobollka Shabeellaha Hoose.

0

Ciidamada-Dowlada-HowlgalMarka (AGGM): Wararka laga hellayo gobollka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaq ka wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM  iyo xoogagga Al-shabaab deegaanno hoos taga gobollka.
Deegaannka  Toor Toorow ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay xaqiijinayaan in halkaasi uu Ka taaganyahay dhaq- dhaqaaq ciidamada ay wadaan iyo  abaabul dagaal  oo halkaasi ay ka sameynayaan kooxo Ka tirsan Al-shabaab iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa midowga Afrika AMISOM.
C/qaadir Sheekh Cali Diini guddoomiyaha gobollka Shabeellaha hoose ayaa warbaahinta ayaa sheegay in dhaq dhaqaaqayada jira deegaannada gobollka Shabeellaha hoose yihiin kuwa la doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay joogaan gobollka.
C/qaadir Siidii ayaa hoosta ka xariiqay in deegaanka Toor Toorow oo ah deegaan istaraatiiji ah ay dooneyso dowladda Soomaaliya in ay la wareegto gacan ku heyntiisa.
Sikastaba dadka ku nool deegaanka Toor Toorow ayaa waxaa La soo daristay xaalad cabsi ah kadib dhaq dhaqaaqyadaasi ciidan ee Laga dareemayo deegaankaas, iyaga oo ka cabsi qaba dadka in korkooda lagu dagaallamo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com