C/llaahi Max’ed Cali Sanbaloolshe Oo Loo Magacaabay Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Britain.

0

sanbaloolsheMuqdisho (AGGM): Kulan xubnaha gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu ansixiyay safiir cusub oo markii ugu horeysay dowladda federaalka u magacaawdo dalka Ingariiska oo noqonaya C/llaahi Max’ed Cali Sanbaloolshe.
Dajiraha ama safiirka cusub ee dowladda  Soomaaliya u magacaawday magaalada London ayaa noqonaya kii ugu horeeyay tan iyo markii ay bur burtay dowladdii dhexe ee dalka mudo haatan laga joogo 22 sano.
Kulanka gollaha wasiirrada maanta ay ku yeesheen xubnaha gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya ayaa lagu ogolaaday in uu Sanbaloolshe noqdo safiirka dowladda Soomaaliya  u fadhiya dalka Britain, sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka wasaarrada warfaafinta xukuumada Soomaaliya.
“Maadaama lagu wado in bisha May ee sannadkan lagu qabto London shir looga hadlayo arrimaha Soomaliya, waxaa lagama maarmaan noqotay in la magacaabo safiirka Soomaaliya ee Britain,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wafaafinta, Ibraahim Isaaq Yaroow.
Xubnaha gollaha wasiirrada ayaa sheegaya in magacaabistan ay qeyb ka tahay hagaajinta cilaaqaadka ama xiriirka caalamiga ah ee dowladda federaalka iyo caalam-ka intiisa kale.
C/llaahi Max’ed Cali Sanbaloolshe oo ka soo jeeda gobollka Hiiraan ayaa horay u soo noqday wasiirrkii amniga xukuumadii uu hogaaminayay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke kadib markii uu geeriyooday Cumar Xaaji Aadan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com