Axmed Madoobe Oo Qalqal Ku Jirta Siyaasadiisa, Buuq Ka Taagan Arimaha Maamulka Kismaayo.

0

Axmed-Madoobe1Kismaayo (AGGM): Magaalada Kismaayo waxaa saaka shir jaraaiid ku qabtey mid ka mid ah beelaha dega gobollada Jubnooyinka, halkaas oo ay ku soo bandhigeen musharaxa yaga qeybgalaya tartanka doorashada madaxtinimada ee maamul la damacsan yahay in degaanadaasi loo sameeyo.

Guddi ka kooban odayaasha dhaqanka ayaa u soo xushey Ahmed Mohamed Islan oo loo yaqaano Ahmed Madobe inuu noqdo musharaxa beesha uga qeybgalaya tartanka, meeshana ka saarey musharixiin kale oo isla beeshaasi ka soo jeedda oo tartanka ku jirey.

Hase ahaatee waxaa arintaas aad uga carooday qaar ka mid ah odayaashii ka qeyb galay shirkaas iyo musharaxiinta meesha laga saaray oo ay ka mid ahaayeen. Prof. Maxamed Cabdi Gaandhi iyo Shiikh Maxamed Ibraahim Shakuul oo xusay in go’aanka ay soo saareen odayaasha kale uu yahay mid cadaalad daro ah oo la isku ogeyn.

Shiikh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah musharaxiintau taagan xilka madaxweynaha Juballand ayaa sheegay in Axmed Madoobe oo adeegsanaya awooda ciidan ee uu ku heysto Kismaayo uu ku cadaadiyey odayaasha qaarkood iney isaga musharaxa beesha u doortaan.

“Arintan waa mid afduub ah oo aan shaqeynenin, waana cadaalad daro, waxayna noqoneysaa in la yiraahdo ninkii qori wata ha taliyo inta kalena xuquuq ma laha, waana lag soo gudbay taas, musharaxnimada aan u taaganahayna kama laabaneyno” ayuu intaa ku daray Shiikh Maxamed Ibraahim Shakuul.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wada inuu marxalad cusub galo shirka maamul sameynta Jubba-land ee ka socda Kismaayo kaasoo la filayo in loo wareejiyo garoonka dayuuradaha Kismaayo oo 500 ergo ay ku dooran doonaan madaxweyne uu yeesho maamulka cusub, iyadoo arintana ay ku soo aadeyso xilli dowlada Somalia ay horey ugu gacan seyrtay shirkaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com