Maxamed (Shakuul) "Odayaashaas Hal Nin Ayay Taageeraan Una Shaqeeyaan,Waxa Dhacayna Ma Ahan Wax Cadaalad Ku Dhisan".*Dhagayso*

0

sheekh-ShakuulKismaayo (AGGM): Maxamed Shakuul ayaa sheegey in go’aan la sheegey in odayaal Absame ay gaareen uusan ahayn mid sax ah oo loo dhanyahay.

Waxa uu sheegey in uu u arko in talaabadani ay tahay tab cusub oo ka mid ah ololaha doorashada Sheekh Axmed Madoobe, uusana fileynin in ay tahay tab wanaagsan.

“Aniga odayaal waan isu keeni karaa, waana dhihi karaan Sheekh Shakuul ayaan taageersanahay”, ayuu yiri Sheekh Shakuul oo hadlay.
‘Aniga waxaan u taagnahay Soomaaliweyn” ayuu yiri Sheekh Shakuul oo intaasi ku daray in ay tahay arrin dastuurkii cusbaa ee la ansixiyey khilaafsan in odayaal beeleed ay go’aamiyaan qofka doorashada galaya.

“Dastuurka waxaa ku cad in qof kasta oo muwaadhin Jubbaland ah uu gali karo doorashada, haddii uu kasoo boxo shuruuda la sheegey, kuma qorna in odayaal beeleed ay iyaga go’aamin karaa qofka isa soo taagaya”.

Shakuul waxa uu sheegey in markii horaba isaga qalin iyo aqoon uu wax ku doonayay, islamarkaasina uusan qori iyo xoog xilka ku doonan doonin, waxa uuna ku baaqay in sanduuqa cod bixinta lagu kala baxo ee aan la marin habaabin qaabka doorashada.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/04/dhagayso-Shakuul2.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com