Maxamed Cabdi Gaandi “Odayaasha Dhaqanka Beesha Ogaadeen Awalba Macmal Ayay Ahaayeen”.

0

prof_gandi_Kismaayo (AGGM):Beesha Absame ayaa shalay ku dhawaaqday in xilka Madaxweynaha uu u tartami karo kaliya Axmed Madoobe, kadib markii ay sheegeen in Prof, Gaandi iyo Sheekh Shakuul aanay ka qeyb geli karin doorashada.

Khilaafkan ka taagan musharaxnimada xilka Madaxweynaha Jubaland ee u dhaxeeya Beesha Absame ayaa la ogeyn saameynta kale ee uu ku yeelanayo shirweynaha Kismaayo ee lagu wado in maalmaha soo socda lagu doorto Madaxweyne.

Shirka mala-awaalka ah ee maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo oo maamlihii lasoo dhaafay hakad ugu jiray culays Siyaasadeed,Dhaqaale iyo Milatari soo wajahay awgeed ayaa ugu danbayn maanta maqalka Shacabka dib ugu soo noqday shirka ka dib kolkii Beesha Ogaadeen oo iyadu Maal iyo Muruqba isugu gaysay sidii ay maamul uga samaysan lahayd goboladaas sedexda ah ay dhexdeeda isku khilaaftay cidii meesha Madaxweyne ka noqon lahayd.

Hadaba kulan uu maalgeliyay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo ka dhacay Kismaayo ayna ka qayb galeen Odayaasha dhaqanka Ogaadeen oo isaga kala yimid Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Wadamo kale socdayna ku dhowaad todobaad ayaa waxay isla gorfeeyeen sidii sedexda musharax ee beesha Ogaadeen oo kala ah Axmed Madoobe, Shakuul iyo Gandi ay mid uga soo reebi lahaayeen ugu danbayna odayaashu isku raaceen in Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) uu noqdo musharaha madaxweyne-nimo ee beesha Ogaadeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com