Falaagada Al Shabaab Oo Hadda Soo Wajahi Doonto Dagaal Shacabka Ay La Galaan.

0

Shabaab-afduub1Falalka guracan ee shabaab ka geystaan Muqdisho ayaa waxay noqdeen kuwo dadku ay aad unecbeysteen taasi oo hadda umuuqato in loo midoobo dagaalka lala galayo Al shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeen ka hor ku dhawaaqay ama iclaamiyey dagaal lala galayo maleeshiyada Al shabaab taasi oo laga yaabo in hadda umuuqato dulqaadkii shacabka inuu dhamaaday.

Xasan Shiikh oo xilliga uu hadlayey laga dareemayey caro xoogan ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo dagaal ka dhan ah Maleeshiyada Somaliya qaska iyo nabad darada ka wada ee Shabaab.

Sidoo kale shalay shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho Wasiirka koowaad ee Xukuumada Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay inay dhawaan ciidamada qalabka sida ay udiyaar garoobi doonaan weeraro lagu qaado meelaha laga soo abaabulo qaraxyada ismiidaaminta ah ee shabaab kaga sugan yihiin muqdisho banaankeeda.

Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in dawladda ay qorsheneyso sidii shacabka loo hubeyn lahaa si looga hortago shabaabka ku dhuumaaleysanaya magaalada Muqdisho.

Dalka Somaliya ayaa waxa ku dhintay sanado gudahood hal milyan dad ka badan sida maanta ay shaacisay Tv-ga Al jazeera gaar ahaan barnaamijka ka baxayey ee INSIDE STORIES waxaana dagaalo udhaxeeyey Somalida dhexdeeda ay badankood dadka shacabka ah ay ku geeriyoodeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com