War Deg Deg Ah: Qaraxyo Xoogan Oo Goor Dhaw Ka Dhacay Magaalada Boston Ee Dalka Maraykanka.*Daawo*

0

boston_2Boston (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Bosto ayaa waxa ay sheegayaan in goordhaw labo Qarax oo aad u xoogan ka dhaceen Magaalada Boston ee Dalka Mareykanka.

Labadan Qarax oo ahaa kuwa aad u xooganaa ayaa ka dhacay Goob ee kasocotay Ciyaaraha Maradoonka ama orodada , goob joogayaal la hadlay Wakaaladaha Caalamka ayaa ku waramaya in goobta qaraxu ka dhacay ee tahay halka uu ku dhamaado Orodka ama Maaradoonka.

Wararka Hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in Qaraxyadan ee ku dhinteen ilaa 3-qof halka ee ku dhaawacmeen in kabadan 60-Qof oo qaarkood lasoo warinayo in dhaawacyadooda ee yihiin kuwa halis ah xubno jirkoodana ee go’een.

Goobta ee Qaraxyadu ka dhaceen waxaa ku qul qulaya Gawaarida Gurmadka Deg dega kuwaa oo daad gureenaya dadka ee waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxn oo dhacay Goordhaw.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com