R/wasaaraha Soomaaliya Oo Kormeer Ku Tagay Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir, Kadibna Isbitaalka Ku Booqday Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxi Shalay.

0

saacid-kormeerMuqdisho (AGGM): Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta booqday dhismaha xarunta maxkamada gobolka Banaadir oo shalay uu ka dhacay weerar ay alshabaab geysteen kaasoo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya ilaa 30 ruux,R/wasaaraha ayaa kormeeray xaaladaha dhismaha maxkamada oo burbur lixaad leh uu kasoo gaaray dagaalkii iyo qaraxyadii shalay ka dhacay dhismaha maxkamada.

Kormeerka R/wasaaraha ayaa waxaa ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Raysal wasaare Saacid ayaa indha indheeyey xaalada dhismaha xarunta maxkamada isagoona intaa kadib uga sii gudbay Cisbitaalka Madiina oo ay jiifaan dadkii ku dhaawacmay weerarkaas.

R/wasaaraha ayaa u kuurgalay dhaawacyada jiifa Cisbitaalka kuwaas oo tiradoodu gaareyso 60 ruux oo kusoo waxyeeloobay weerarkii abaabulnaa ee kooxda ka tirsan alshabaab ay ku gashay gudaha dhismaha xarunta maxkamada gobolka Banaadir.

R/wasaaaraha ayaa hada kulan xasaasi ah xafiiskiisa kula leh saraakiisha laamaha amaanka dowlada Soomaaliya kulankaas oo ay kaga arinsanayaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhaawacyada dad badan oo dhibaato ay kasoo gaartay weerarkii shalay alshabaab ay ku qaadeen xarunta maxkamada gobolka Banaadir ayaa hada xaaladooda caafimaad lagu dabiibayaa Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com