R/wasaare Saacid Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Si Weyna Loo Soo Dhaweeyey.*Daawo Sawirada*

0

IMG_6383Muqdisho (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafti uu hogaaminayo oo maalmihii ugu danbeeyey booqashooyin ku marayey dalalka dariska ah ayaa saaka dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa waftigiisa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Foosiyo Xaaji Aadan iyo Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdixakiin Xaaji Fiqi ayaa si weyn loogu soo dhaweyey garoonka caalamiga ah ee Adan Cade.

Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafada kula hadlay garoonka ayaa ka war bixiyey safarkiisa isagoona sheegay inuu si guul ah ku soo dhamaaday, dhamaan wadamadii ay tageena ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka ka dhaxeeya.

“Waxaan safar shaqo ah oo dheer ku soo bixinay dhor wadan oo ka mid ah  wadamadda ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, waxaana ka wadahadalnay dhinacyada amaanka, la dagaalanka argagaxisada iyo iskaashiga dhanka siyaasadda “ ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Saacid oo dhinaca kale sheegay in uu kala kulmay wadamadii uu soo maray soo dhaweyn aad u balaaran.

Safarka uu ku tagay Ra’iisul Wasaaraha wadamadda dariska ah wuxuu qayb ka yahay dadaalka ay dawladda Soomaaliya ugu jirto sidii ay ula samayn lahayd xariir  wanaagsan oo dhan kasta ah wadamadda dariska ah,  wuxuuna uga mahad celiyey Ra’iisul Wasaaruhu dalalkii uu booqday oo dhamaantood ciidamo faro badan ay ka joogaan gudaha Soomaaliya sida ay ugu soo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed una garab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay cagaheeda isugu taagi lahayd.

IMG_6336

IMG_6329

IMG_6314

IMG_6321

IMG_6343

IMG_6356

IMG_6357

IMG_6358

IMG_6362

IMG_6383

IMG_6378

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM

Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com