Qarax Xoogan Oo Goor Dhow Ka Dhacay Agagaarka Garaashka Xaaji Dool Ee Magaalada Muqdisho.

0

breaking_news-620x3301Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow uu kala carar ka dhacay Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho kadib Markii gaari walxaha qarxa lagu Qarxiyay garaashka aafafka hore ee garaashka Xaaji Dool.

Qaraxan ayaa ka dhacay afaafka hore ee garaasha Xaaji Dool oo ku yaala wadada isku xirta garoonka Aadan cadde iyo Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

Garaashka xaaji dool ayaa waxa uu u dhaxeeyaa KM4 iyo garoonka diyaaradaha Aden Cadde (Aden Adde Inaternational Airport).

Qaraxan lama oga cida lala eegtay waxaana la sheegay in uu Qaraxay Xili gaadiid Tikniko ah ay meesha maryeen waxaana goobta ka kacay Uuro Madow.

Dhinaca  kale waxaa goobta uu qaraxa ka dhacday waxaa ka dhacday Raasaas Xoogan oo aan la ogayn dadka riday iyo qasaaraha ay geeysatay Qaraxa kadib.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com