Dagaal Ciidamada Dowladda Iyo Falaagada Al Shabaab Ku Dhexmaray Degmada Afmadow.

0

Afmadow1Afmadow (AGGM): Wararka laga hellayo degmada Afmadow ee gobollka Jubada hoose aya sheegaya in  dagaal culus ciidamada dowladda  oo garab militari ka hellay kuwa AMISOM iyo Al-shabaab uu ku dhaxmaray gudaha degmada.
Iska horimaadka oo socday mudo kooban ayaa wuxuu ka dhacay  saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin  halka loo yaqaanno Ceelasha ee nawaaxiga degmada Afmadow.
Dad goob-joogayaal ah ayaa  xaqiijiyay in maleeshiyada al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadday saldhig ay degan yihiin ciidamada isbahaysiga, ayagoo adeegsanaya hoobiyeyaal iyo rasaasta fudud, ilaa iyo haddana ma cada khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Guddoomiyaha maamulka Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose Cabdixakiin Xaaji Cumar ayaa warbaahinta u sheegay in ay iska caabbiyeen weerarka ay maleeshiyada al-Shabaab ku qaadday saldhigga ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee degmada Afmadow.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidamada isbahaysiga, sidoo kale lama oga khasaaraha maleeshiyada al-Shabaab ka soo gaaray dagaalkii xalay.
Xaaladda degmada Afmadow ayaa saakay degan, iyadoo goobaha ganacsiga iyo isku socdka dadweynaha aysan waxba iska beddelin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com