Ciidamada Ciidamada Dowladda Oo Gudaha U Galay Maxkamada Gobolka Banaadir Iyo Xaalada Oo Haatan Dagan.

0

breaking newsMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ayaa ugu danbayn ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan Maxkamada sare ee gobolka Banaadir oo maanta ay Kooxo ka tirsan falaagada Al Shabaab gudaha u galeen.

Kooxdan ka tirsaneyd Maleeshiyada Al Shabaab ee maxkamda gudaha u galay ayaa waxa ay ku hubaysnaayeen Bambooyin iyo hub kale, waxa ayna maxkamada ku dileen dad badan.

Saraakiisha ciidamada ee gudaha ugalay xarunta maxkamada ayaa sheegayn in ay toogasho ku dileen ilaa 21 ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab kuwaas oo ahaa ragii weerarak ku qaaday maxkamada islamarkaana gudaha u galay.

Ciidamada dowlada ayaa sheegay in ay maleeshiyada kooxda xagjirka  ah ee weerarka ku soo qaaday Maxkamadda ay mid mid u toogteen iyadoo looga adkaaday dagaalkii ay soo qaadeen.

Howlgallo xoogan ayaa haatan ciidamada dowladda waxa ay ka wadaan gabi ahaan wadooyinka soo gala xarunta maxkamada iyadoo sidoo kale ay ciidamada nabad sugida iyo  kuwa booliska kusoo biiren howlgalka.

Xaalada ayaa ah mid dagan ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Gaashaan Group ayaa hadda ku sugan xarunta Maxkamadad.

Weerarakan gaadmada ah ee ay soo qaadeen maleeshiyda Al Shabaab ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo sida la sheegay ay ku jira masuuliyiin ka tirsanaa Maxkamadda gobolka Banaadir.

Isku soo wada duuboo taliska ciidamada Nabadsugida ayaa waxa ay sheegeen inay soo bad baadiyeen dad kor u dhaafaya 100 ruux oo shacab ah kuwaas oo ku sugnaa gudaha Maxkamada Gobolka Banaadir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com